9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2024
Madaxweyne Biixi oo dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku hawlantahay burburinta Somaliland
 

Axad, Agoosto, 18, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo taliska bariga ee Oog kula hadlayay ciidamada millateriga, ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku kacday falal lagu burburinayo Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay isku dayday in ay dab ka shido gobolka Awdal, halkaasi oo uu sheegay in la doonayay in laga sameeyo abaabul Somaliland ka dhan ah.

"Xasan Sheekh iyo qolada danihiisa u daba joogtaa way inagu daalayaan, dagaalkoodana waynu iska celinaynaa, dhibaato kastana waynu u maraynaa" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Khilaafka ka dhex taagan dowlada Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa cirka isku shareeray kadib markii ay heshiis is fahan oo dhinaca badda ah wadagaleen Somaliland iyo Itoobiya.

Dhinacyada ayaa wixii intaa ka danbeeyay eedo iska soo horjeeda hawada isku marinayay, sidookale waxa burburay wadahadaladii labada dhinac oo muddo soo socday kuwaasi oo aan hada la garanayn goor dib loo bilaabi doono.