9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2024
Dowladda Fedaraalka oo go'aano kasoo saartay cabashada Darawalada Bajaajyada Muqdisho
 

Axad, Agoosto, 18, 2024 (HOL) - Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah u soo saaray go'aano laga gaaray cabashada Darawalada ku shaqeysta Mooto Bajaajyada ee la xariirtay lacagta lagu qaadanayo leysinka wadista  gaadiidka.

Go'aanada kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa yimid kadib markii laba maalmood oo isku xigtay Darawalada Bajaajta ay banaanbaxyo cabasho ah ka dhigeen qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka cabaanayay ineysan awoodin lacago ku dhow $300 oo lagu kordhiyay qofka doonayo inu qaato leysinka gaadiidka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiid iyo Duulista Hawada Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa sheegtay in go'aankaan uu yahay mid looga jawaabayo cabashada Darawalada Mooto Bajaajyada ka dhex shaqeysta Muqdisho.

"Tan iyo markii ay soo baxday cabashada dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku shaqeysata Darawal-nimada Mooto Bajaaj-ta ee caasimadda Muqdisho, waxaan si dhaqso ah u qaadnay tallaabooyin looga jawaabayo cabashadooda , iyadoo markaa lagu qiimeynayo duruufaha ay ku shaqeeyaan dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaan mudnaanta siinay in wax badan aan ka qabanno cabashada Dhalinyaradeenna" ayay tiri Wasiir Fardowso Cismaan Cigaal.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa fartay Darawalada Mooto Bajaajta in dhankooda ay ilaaliyaan sharciga iyo shuruucda dalka, islamarkaana u hoggaansamaan Habraacyada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Hoos ka akhriso go'aanada oo faahfaahsan:-



Ugu dambeyntii go’aanadan ayaa kusoo aadaya saacado kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu balanqaaday in wax laga qaban doono cabashada darawalada bajaajta ku shaqeysta.