9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2024
Howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Baay
 

Axad, Agoosto, 18, 2024 (HOL) - Ciidamada Daraawshiita maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa dadka deegaanka ayaa maanta howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Howlgalada ayaa ciidamada iskaashanaya waxay ka sameyeen fariisimo kooxdu ku laheyd deegaanka Jameeco oo qiyaas ahaan u jirta degmada Buurhakaba 25KM.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta degmada Buurhakaba Sandheere Xasan Aadan oo hoggaaminaayay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalada maanta khasaare xoogan ku gaarsiyeen kooxda Al-shabaab, hayeeshe muusan carabaabin inta uu dha  yahay khasaaraha.

Taliyaha wuxuu sidoo kale xusay iney cagta mariyeen goobo badan oo kooxdu gabaadyo ka dhiganayeen oo ku yaala inta u dhaxeysa Buurhakaba iyo Jameeco, islamarkaana ciidanku wali ku jiraan baacsiga Al-shabaab.

Howlgalkaan maanta ka dhacay deegaanada hoostaga degmada Buurhakaba ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay sidaan oo kale ciidanka Xoogga dalka ay howlgalo culus ka fuliyeen wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Xudur iyo Qurac joome ee gobolka Bakool.