9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 18, 2024
Jarmalka oo soo musaafurinaya nin Soomaal ah oo madaxa ka gooyay nin saaxiibkiis ah
 

Axad, Agoosto, 18, 2024 (HOL) - Jarmalka ayaa lagu wadaa inuu dalkiisa ka musaafuriyo nin Soomaali ah oo muhaajir ah oo  madaxa ka gooyay nin saaxiibkiis ah gudaha Jarmalka, in kastoo dacwad oogayaasha ay ka digayaan in Jarmalka laga musaafuriyo – sababtoo ah waxay sheegeen inuu ku soo laaban doono dalkaas.

Mursal Maxamed Saciid, oo 24 jir ah, ayaa bishii Luulyo 2021 ku dilay magaalada Regen ee gobolka Bavaria, Alex K. oo 52 jir ahaa.

111 jeer ayuu mindi ku dhuftay dhibanaha ka hor inta uusan madaxa ka jarin. Ninkaan ayaa markii dambe u sheegay baarayaasha in uu rumaysnaa in saaxiibkiis ay haysteen laba jinni oo uu ku khasbanaaday in uu dilo.

Dilkiisu wuxuu ahaa mid aad u argagax badan, iyadoo qofka la dilay ay mindhiciradiisu kasoo daateen isagoo nool, warbaahinta Jarmalka ayaa xilligaas sheegtay.

Hay’adaha socdaalka Jarmalka ayaa doonaysa inay sida ugu dhaqsaha badan ugu celiyaan dalkiisa hooyo ee Soomaaliya, balse dacwad oogayaasha ayaa ka walaacsan, sababtoo ah waxay u maleynayaan in dembiilaha uu kusoo laabanayo Jarmalka , sida uu qoray wargeyska Bild.

Dhawr toddobaad uun ka dib markii uu dilay saaxiibkiis, ninka Soomaaliga ah waxa uu isku dayay in uu ka baxsado cisbitaal ku yaalla Bavaria halkaas oo lagu hayo.  Eedeysanaha waxa uu sameeyay isku daygii labaad ee baxsadka todobaadkii hore.