9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2024
Ciidamada Kenya oo weerar ku qaaday xero ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaan hoos yimaada Gaarisa
 

Jimco, Agoosto, 16, 2024 (HOL) - Howlgal qorsheysan oo ciidamada Kenya ay fuliyeen ayaa lagu weeraray xero Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka DigDiga oo ka tirsan deegaanka Faafi, oo hoos timaada degmada Gaarisa.

Howlgalka ayaa ku bilowday xog laga helay dadka deegaanka, kuwaasi oo maamulka ku wargeliyay weerar ay kooxda dableyda ah qorsheyneyso inay la beegsato saraakiisha ammaanka ee gobolka.

Ciidamada ayaa Maleeshiyada Shabaab kaga daba tagay gudaha Keymaha Digdigi, waxaana halkaasi ay ku guuleysteen in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan kooxdaasi oo isku diyaarineysay weerarkooda.

Inta la xaqiijiyay iska horimaadka ayaa waxaa ku dhintay labo ka mid ah Alshabaab iyo dhaawaca qaar kale.

Waxay ciidamada Kenya gacanta ku dhigeen kayd hub ah oo ay ka mid yihiin qoryaha AK-47, rasaas, bambaanooyinka gacanta laga tuuro iyo agabyo kale.

Laamaha ammaanka ayaa ku ammaanay bulshada deegaanka wada shaqeynta ay la leeyihiin, waxaana ay ku booriyeen dadka deegaanka in ay sii wadaan soo gudbinta falalka tuhunka ah ee lala xiriirinayo Al-Shabaab. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ammaanka magaalada Gaarisa iyo deegaannada ku dhow dhow.