9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2024
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kordhiyay waqtiga howlgalka ATMIS illaa dhammaadka 2024
 

Jimco, Agoosto, 16, 2024 (HOL) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay oggolaanshaha howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ilaa 31-ka bisha December ee sanadka 2024-ka.

newsibsideGolaha Ammaanka, ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay qaraarka tirsigiisu yahay 2748, waxa uu dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika u oggolaaday in ay sii wadaan soo daabulidda 12,626 askari illaa dhammaadka sanadkan.

Qaraarka ayaa ku dhiirigeliyay deeq bixiyayaasha hadda iyo kuwa cusub inay taageeraan ATMIS. Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa maamula Sanduuqa Trust Fund si loo taageero ciidamada amniga Soomaaliya, iyo qorshaha la doonayo in lagu bedelo ATMIS, si ay awood ugu siiso Soomaaliya inay xoojiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Goluhu wuxuu ka codsaday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inuu sii wado taageerada saadka ee UNSOS, waxayna go'aamiyeen in la sii wado taageerada 20,900 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo hawlgalo wadajir ah ama isku dubarid la samaynaya howlgalka ATMIS, ilaa 31-ka Diseembar.