9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 16, 2024
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo qaylo dhaan Ka muujiyay hubka sharci darada ah ee ka soo qulqulaya Itoobiya
 

Jimco, Agoosto, 16, 2024 (HOL) - Ergeyga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa walaac xooggan ka muujiyay hubka sharci darada ah ee dhawaan laga keenay dalka Itoobiya.

Arrintaan ayuu ku sheegay mid si gaar ah looga naxo iyadoo Itoobiya ay ka mid tahay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee lagu xasilinayo Soomaaliya.

Danjire Baalle oo warbixin siinayay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay bilowday baaritaan la xiriira arrintan. Wuxuu u xaqiijiyay golaha in natiijada baaritaankan lasoo bandhigi doono waqtiga ku haboon.

Safiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay wadamada dariska la ah Soomaaliya in ay u hogaansamaan cunaqabateynta lagu soo rogay kooxda Al-Shabaab. Wuxuu ku booriyay inay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya si looga hortago in hubka sharci darrada ah uu gacanta u galo kooxda Alshabaab ah iyo qabaa’ilada.

Danjire Baalle ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta xiriirka nabadeed ee dalalka deriska la ah.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka marka la soo gabagabeeyo howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.