9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2024
Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay in xal degdeg ah lagasoo saarayo cabashada bajaajlayaasha
 

Khamiis, Agoosto, 15, 2024 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir, Maxamed Aadan Diiriye Yabooh, ayaa sheegay maamulka gobolka Banaadir inuu go’aan kasoo saari doonan cabashada Darawaliinta Bajaajta ay ka muujiyeen lacago canshuuro ah oo lagusoo rogay, taasoo keentay inay ka mudaharaadaan.

Guddoomiye Yabooh oo la kulmay bajaajlayaasha ayaa u sheegay in guddoomiye Maddaale saacadaha soo socda uu soo saaridoono war rasmiya ah oo ku wajahan cabashada kasoo yeertay bajaajlayaasha. Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in xaaladda lagusoo celiyo sidii hore.

Wuxuu tilmaamay in aan laga aqblayn in bajaajlaydu  ay dhibaato u geystaan laamiyadda magaalada iyo hantida kale ee dadweynaha. Waxa uu xusay inay jiraan dad iskusoo dhex qarinaya bajaajlayaasha, kuwaas oo uu sheegay inay u adeegaayaan danaha kooxda Alshabaab.

Guddoomiye Yabooh wuxuu sheegay, in dowladdu dhibaato adag kasoo martay qaabaynta bajaajta magaalada Muqdisho ka shaqeysa. Wuxuu sheegay in aan cidna laga yeelidoonin in la burburiyo nidaamka loo dajiyay Bajaajta.

Wuxuu sheegay cabasho kaste oo ay qabaan in maamulka gobolka Banaadir uu diyaar u yahay inuu xal ka gaaro.

Muddo dhowr maalmood ah, Bajaajlayaasha Muqdisho ayaa ka horyimid lacago canshuur kordhin oo lagu sameeyay gaadiidkooda. Waxay sheegeen inay  wadayaan mudahaaraadka illaa iyo inta ay dowladdu ka laabanayso go’aanka lagu kordhiyay canshuuraha.