9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2024
Madaxweyne Qoor Qoor oo weerar afka ah ku qaaday Musharaxiinta u tagaan xilka madaxweynaha Galmudug
 

Khamiis, Agoosto, 15, 2024 (HOL) -Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday musharaxiinta dooneysa iney kula tartamaan xilka madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa si cad u sheegay in Galmudug ay kasoo gudubtay xiligii damaca siyaasiga ah lagu raadin jiray dagaal iyo awood ciidan, isagoona musharixiinta uga digay iney hub iyo ciidamo lasoo gelaan Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

“Musharixiinta xilka Madaxweynaha Galmudug waxaan leeyahay haku riyoonina inaad hub la soo gashaan Galmudug, mana idinka yeelayno, Dadka reer Galmudug dal iyo dibad, waa baraarugsan yihiin, waana soo jeedeenaa, dantooda iyo dan daradooda waa yaqaaniin” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha Galmudug inuu qaban doono doorasho qof iyo cod ah, isagoona siyaasiyiinta ugu baaqay iney ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara colaad iyo dagaal.

“Dadka daneynaya doorashada waxaan leyahay ololaahaga ku soo bandhigo baratan iyo waxaa aad qaban karto, laakiin yaan la isku dayin wax ka dhan ah amniga dalka iyo Waxaa ka reeban hub iyo saasaan hore loogu soo daalay” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Hadalkan ayaa Xalay ka sheegay madaxweyne Qoor Qoor munaasabad loogu dabaal dagayay sanad guurada 18-aad ee kasoo wareegtay aas aaskii maamulka Galmudug oo ku beegneyd Shalay oo taariiqdu aheyd 14-ka Agoosto.