9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 15, 2024
Ajaaniib laga helay Cudurka HIV oo laga masaafuriyay magaalada Muqdisho
 

Khamiis, Agoosto, 15, 2024 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in 35 ruux oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib ka shaqeynayay goobo kala duwan oo ku yaala magaalada Muqdisho in laga helay cudurka dilaaga ah ee HIV.

Afhayeenka maamulka gobolka Saalax Xasan Cumar ayaa sheegay in dadkaan oo baaritaano lagu sameeyay laga helay cudurka, islamarkaana qaar ka mid ah oo ajaaniib ahaa dalka laga masaafuriyay.

Afhayeen Saalax Xasan Cumar ayaa sheegay in baaritaanada laga sameeyay goobaha bulshada loogu adeego oo kala ah Hoteelada, Makhaayadaha, Foornooyinka, Timajareyaasha iyo xarruumo kale oo dhamaantood ku yaala gudaha magaalada Muqdisho.

“Waxaa dalka laga masaafuriyay afar ruux oo ku shaqeynayay xirfadaha dhaqtarnimo, cuno kariye iyo goobaha la isku qurxiyayo, kiwaas oo laga helay cidurka HIV, muwadaniinta Soomaalida ah ee xanuunka laga helay tiradooda waa 31 ruux, waxaana la geeyay goobaha caaafimaadka si ay u qaataan daawada, waana oo la kor joogteyn doono goobaha kale” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka Saalax Cumar.

Wuxuu sidoo kale sheegay afhayeenka gobolka Banaadir in dadka laga waayay cudurkaan ee ka shaqeya goobaha loogu adeego bulshada iney heystaan aqoonsiga badqabka shaqaalaha.

Talaabadaan ayaa kusoo aadaysa, iyadoo bilahii lasoo dhaafay maamulka gobolka Banaadir uu waday baaritaanada ku aadan baqdabka Caafimaad ee dadka ku howlgala Hoteelada, Makhaayadaha, Foornooyinka, Timajareyaasha iyo goobo kale, taasoo ay diidanayeen dadka reer Muqdisho.