9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 14, 2024
Xaafado ka tirsan magaalada Baledweyne oo sameystay ciidamo u gaar ah




Arbaco, Agoosto, 14, 2024 (HOL) - Iyadoo amniga magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan uu si weyn faraha uga baxay mudooyinkii dambe ayaa dadka ku nool qaar ka mid ah Xaafadaha magaaladaas waxay sameeystaan ciidamo madani ah oo Habeenkii ilaaliya amniga Xaafadahooda.

Ciidamadaan Madaniga ayaa ka hortagaya Burcada dhaca ka geysan jirtay gudaha Magaalada Baledweyne oo mudooyinkii dambe kusoo kordhayeen burcada dhaca iyo dilalka u geysaneysa dadka shacabka ah.

Dhalinyarada ku nool Xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako ayaa sameeystay ciidamo u gaar ah oo Habeen walba wadooyinka Xaafadahaas ka sameeya roondooyin ay kaga hortagayaan burcada hubeysan ee dhibaatada ka geysan jirtay xaafadahooda.

Mid ka mid ah dhalinyarada xaafada Kooshin oo lagu magacaabi Daahir Cismaan Guuleed ayaa sheegay in mudo 20 cisho ah ay wadeen abaabulka hirgelinta ciidankan madaniga ah, isagoona xusay in haatan dadka xaafadaas ay dareemeen isbadal amni.

“ Anaga Askar dowladeed ma nihin, dad shacab ah oo qoryo qaatay ayaa nahay. Qofkii la aqoon ee Xaafada soo galo waan Hubinaa. Dhowr Habeen ayaan Tuugo xaafada ku aragnay waana ka saarnay Alxamdullaahi. Tuugada labo qof ama 1 qof waaye lakiin Anaga 10 qof ayaa nahay ugu yaraan" ayuu yiri Daahir Cismaan.

Talaabadaan qaar ka mid ah dadka xaafadaha Baledweyne ay isku abaabuleen ayaa timid kadib markii ay kordheen dhibaatooyinka dadka ku nool Baledweyne ay kala kulmayeen burcada hubeysan oo dhac iyo dilal isugu daraayay dadka shacanka ah, waxaana ciidamadan madaniga si weyn u soo dhaweeyay dadka ku nool xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako.