5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2024
Guddoomiye Shuute "Ogaada hada kadib nabadu baryo maaha, qofkii dil geysta cidiisa ayaa lagu dhex toogana"
 

Talaado, April, 30, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo howlo nabadeyn ah u jooga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa fariin adag u diray dadka Soomaaliyeed ee qabiil ahaan isku dilaya.

Guddoomiye Shuute ayaa ku hanjabay in qofkii qof kale qabiil ahaan u dila iney Maxkamaddu  ku hor toogan doonto reerkiisa.

"Ogaada hada kadib nabadu baryo maaha, qofkii dil geysta, cidii uu lahaa waxbaan u dilay ayaa lagu dhex tooganayaa, gurigiisa ayaa lagu hor tooganaa si loogu quus qaato, maanta kadib qof kii qof dila bartii uu ku dilo ayaa lagu tooganaa, mana fakan doono ogaada" ayuu yiri guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada inaan waqtigaan loo baahneen in shacabka Soomaaliyeed qabiil ahaan isku dagaalaan, islamarkaana dagaalka u dhaxeeyo uu la macno yahay iney kasoo horjeedaan howlaha dalka looga xureynayo Al-shabaab.

“Waxa aad ku dhaqmeysaan dhaqan islaam maaha, waxayna ka soo horjeedaan hadafkiina iyo colaada idiin dhaxeysa in Khawaarij iska xoreynsaan ama dalka laga xureyo mana yeeleyno taas" ayuu yiri guddoomiye Shuute.

Hadalkaan ayuu guddoomiyaha Maxkamada  ciidamada ka sheegay gogol nabadeed oo lagu heshiisiinayo beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo taala degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana guddoomiyaha howlaha nabadeynta ku wehlinaya masuuliyiin kale ay ka mid yihiin Taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo hoggaamiye Cali Jeyte.

Masuuliyiintaan ayaa waxgaradka labada beelood ka dalbaday inay meesha ka saaraan colaada u dhaxeysa ee sababtay iney kala go’aan oo ay is dhexmari waayaan, islamarkaana ay iska dilaan dad badan.