5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2024
Qarax lagusoo qariyay gaari Dameer oo shan qof Ku dilay magaalada Ceelwaaq
 

Talaado, April, 30, 2024 (HOL) - Shan qof ayaa ku geeriyooday, shan kalena si xun ayay ugu dhaaacmeen qarax lagusoo qariyay gaari dameer, kaasoo ku qarxay magaalada Ceelwaaq Kenya, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kithure Kindiki.

Qaraxan, oo dhacay Isniinta shalay, cidna ma sheegan, hase ahaatee, wuxuu ka dhacay aag si joogto ah ay u beegsadaan kooxda Al-Shabaab.

Qaraxa waxaa lagu soo dhex qariyay gaari dameer si looga fogaado in la ogaado, ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha.

"Goobta dembiga ayaa la xiray si loo fududeeyo daadgureynta iyo baaritaanada iyadoo ay ciidamada amnigu ku daba jiraan kuwii weerarka soo qaaday."

Wasiirku ma uusan sheegin cidda loo malaynayo inay ka dambeysay qaraxa.

Weerarkan wuxuu daba socdaa dhacdo hore oo bishan dhacday, markii dabley looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab ay weerareen isbitaalka Ceelwaaq, iyagoo bartilmaameedsaday ilaalada isla markaana weydiiyay halka ay joogaan dhakhaatiirtu.

 Weerarkaas kaddib cidna looma qaban.

Al-Shabaab ayaa ku dooda weeraradeeda inay yihiin aargoosi ka dhan ah ciidamada Kenyan ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee taageeraya dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa la filayaa inuu dhammaado bisha Diseembar, iyadoo ciidamada Soomaaliya ay u badnaan doonaan mas'uuliyadda amniga.