5/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2024
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Kenya

Axad, April, 28, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka 21-aad ee Hay’adda Horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA.

Shirkaan oo ay kasoo qayb galeen Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika ayaa ahaa mid looga dooday qodobada muhiim ka u ah wadamada Afrika si uu u maalgaliyo Bangiga Adduunka.

Qodobada ay kasoo saari doonaan shirkaan Wasiirada maaliyadda ayaa waxaa la hor dhigi doonaa kulankaan mid kiisa xiga oo ah heer Madaxweyne ah, kaasoo qab soomi doona 29-ka April 2024-ka oo ku beegan maalinta berito ah.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkaan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo dhawaan kasoo gudubtay heerka deyn cafinta.

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxay mudooyinkii dambe dadaal badan ugu jirtay sidii ay u heli laheyd maalgalin caalami ah si ay sare ugu qaado wax soo saarka gudaha iyo dib u habeynta maaliyadda dalka, taasoo qeyb weyn ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.