5/13/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2024
Dowladda Kenya oo sheegtay inay Alshabaab ka sifaysay keymaha Booni
 

Axad, April, 28, 2024 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay Alshabaab ka sifaysay keymaha ay ku dhuumaalaysan jireen ee Booni, taas oo keentay in ay yaraadaan weeraradii argagixisanimo ee gobolka xeebta.

“Argagixisadu waxay u adkeysan weyday awoodda hay’adaha amniga oo qaarkood ku qasbay inay dib ugu cararaan Soomaaliya oo ay naftooda u baqayaan,” ayaa lagu yiri war qoraal oo ah oo kasoo baxay laamaha amniga ee Kenya.

Hay'adaha Amniga ee Kenya ayaa waxay sheegeen inay ku guulaysteen inay ka takhalusaan Shabaabkii ku dhiiraday inay ku sii dhuuntaan kaynta, si loo nabadeeyo gobolka xeebta ah ee Lamu iyo nawaaxigeeda oo ay ku jirto Garissa.

Hawlgallada Amni ee Lamu, waxa ay sheegtay dowladda Kenya inay isugu jiraan dhawr qaybood oo ay ka mid yihiin ilaalinta amniga, wacyigelinta argagixisanimada iyo iskaashiga milatariga rayidka ah (CIMIC) ee lagu taageerayo bulshada.

Kenya waxay u sheegtay dadkeeda inay sii wadaan la shaqeynta hay’adaha amniga si loola dagaalamo argagixisada, loona horumariyo dhaqaalaha Lamu, looguna abuuro shaqooyin badan dhallinyarada.