5/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2024
Maraykanka oo dib u qiimeyn ku sameyndoona taageerada uu siiyo ciidanka Danab
 

Axad, April, 28, 2024 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto xiriirkooda iyo wadashaqeyntooda Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, oo ah cutub ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).

Sarkaal Mareykan ah ayaa  u sheegay Reuters in Washington ay si dhab ah u qaadanayso dhammaan eedeymaha musuqmaasuqa. Saraakiisha  Ciidanka Danab ayaa lagu eedeeyay u weecinta raashiinka suuqa madow taasoo lid ku ah heshiis ay wada galeen Soomaaliya iyo Mareykanka.

"Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab tallaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago  dhacdooyinka saamayn kara kaalmada mustaqbalka,” ayuu yidhi sarkaalku, isaga oo aan si toos ah uga hadlin in Maraykanku uu joojiyay taageeradii uu siin jiray ciidanka Danab.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay dooneyso inay joojiso taageerada ay siiso Danab marka la gaaro bisha June 2024-ka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay shaqada ka joojisay oo ay xirtay dhowr xubnood oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Danab, kaddib markii lagu eedeeyay inay leexsadeen raashinka ciidanka.

Ciidanka Danab ayaa ahaa tiir muhiim u ah dadaallada Mareykanka uu taageerayo ee lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.