5/11/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 28, 2024
Aabe iyo caruurtiisa oo ku geeriyooday qarax uu ku diyaarinaayay gurgiisa oo ku yaala Ceelasha biyaha
 

Axad, April, 28, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Xalay ka dhacay guri ku yaala deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka magaalada Muqdisho, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaan miino ayaa la sheegay inuu ahaa mid uu guriga ku dhex farsameynaayay nin ka tirsan kooxda Al-shabaab, waxaana la xaqiijiyay inuu galaaftay qaraxa nolosha ninka qaraxa diyaarinaayay iyo laba caruur ah oo uu dhalay, iyadoona dhaawac culus uu soo gaaray xaaskiisi oo aheyd hooyada qoyska.

"Ceelasha Biyaha: Dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta oo Miino ku dhex sameynayay Gurigiisa ayaa qaraxii uu maleegayay wuxuu ku qarxay isaga iyo reerkiisa. Labo carruur ah oo uu dhalay iyo isagii ayaa qaraxaas ku geeriyooday, waxaana dhaawac ah hooyadii qoyska" ayaa lagu qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda.

Qaraxa kadib waxaa gaaray guriga mashaqada ka dhacday ciidamo ka tirsan Booliiska iyo Nabadsugida ku sugan deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaas oo goobta ka sameeyeey baaritaano ku aadan waxa qaraxan sababay.

Si kastaba ha ahaate ma ahan markii ugu horeeysay oo qarax ka dhax dhaco guri lagu diyaarinayay miino iyo waxyaabaha kale ee qarxa oo waxyeelo noocaan oo kale ah ay kasoo gaarto dadka ku sugan guryaha ay ka dhacaan qaraxyada lagu dhex diyaariyo.