5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2024
Ku dhawaad 100 ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Mudug
 

Khamiis, April, 25, 2024 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal culus oo maanta oa dhacay dhulka howdka ah ee ku yaala deegaanka Tabar mooge oo qiyaas ahaan 28 KM dhanka Waqooyi kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya lagu sheegay in howlgalka oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka lagu dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku aruursanaayay deegaankaas.

"Maleeshiyaadka halaagsamay waxaa lagu beegsaday saddex barood oo ku yaala deegaankaas, xogta la helay ayaa sheegeysa in ay isku aruursanayeen ilaa 150-Khawaarij ah, kuwaas oo isugu jiray maleeshiyaad ka soo firxaday hawlgalkii shalay ka dhacay deegaanka Carfuuda iyo maleeshiyaad kale oo la soo aruuriyay" ayaa lagu yiri Warsafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Warka kasoo baxay Warfaafinta Soomaaliya ayaa sido kale lagu sheegay in ciidamada is kaashanaya ay wali ku daba maqan yihiin firxadka xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ee lagu jabiyay weerarka maanta ka dhacay deegaanka Tabar mooge ee gobolka Mudug.

Howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Shalay iyo Habeen hore ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka howlgalo khasaare badan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaanada kala ah Carfuuda iyo Ruunirgood oo ka kala tirsan gobolada Shabeellaha dhexe iyo Mudug.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-