5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2024
Puntland oo raadinaysa nabadoono iy cuqaal ka horyimid go'aanka madaxweyne Deni uu xiriirka ugu jaray DFS
 

Khamiis, April, 25, 2024 (HOL) - Hay'adaha amniga ee maamulka Puntland ayaa raadinaya nabadoono iyo cuqaal ku sugan magalada Boosaaso, kuwaas oo maalmo ka hor saxaafadda ka sheegay in ay kasoo horjeedaan go’aanka ay Puntland ku sheegtay in u dhaqmayso sida dowlad madax bannaan.

Dadka la raadinayo  waxaa kamid ah, afhayeenka nabadoonada gobolka Bari, Nabadoon Cabdiqaadir Yuusuf Xarago oo kamid ah dadka kasoo horjeeda siyaasadda madaxweyne Deni ee dowladda federaalka.

Nabadoon Xarago ayaa dhawaan sheegay in aysan aqbalayn, in Puntland ay noqoto gooni-goosad, isagoo sheegay go’aanka uu qaatay madaxweyne Deni in uu yahay mid aan ka tarjumayn rabitaanka shacabka reer Puntland.

Sidoo kale, odayaashaan hay'adaha amnigu ay raadinayaan waxay  ka horyimaadeen heshiiska Puntland iyo Ethiopia.

Waaran maxkamadeed oo soo baxay 21-kii bishaan ayaa lagu faray hay’adaha amniga ee Boosaaso, in la soo xiro odayaashaan, iyagoo lagu sheegay inay yihiin eedeysanayaal maxkamadda laga doonayo.

Puntland ayaa beegsanaysa cid kaste oo taageersan dowladda federaalka. Maalmo ka hor waxay mamnuucday in xaflad soo dhowayn ah loo qabto wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Soomaaliya oo kasoo jeeda Garowe.