5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2024
Raysal wasaare Xamse oo hay'adaha dowladda ka mamnuucay shirarka dibadda lagu qabto
 

Khamiis, April, 25, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adaha dowladda ka mamnuucday in meel ka baxsan dalka lagu qabto shirarka u dhexeeya heerarka kala duwan ee hay’adaha dowladda.

Go’aankaan ayaa laga sheegay shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo uu shir guddoominayay raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.

Waa markii labaad oo sanad gudihiisa ay dowladda hadalkaan sheegto.

Wuxuu kusoo beegmay, iyadoo dowladda lagu dhaliilayo in hay’adaha dowladda ay shirar ku qabsadaan dalalka dibadda sida Kenya oo ugu badan.

Wasaaradda qorshaynta ayaa horey ugu amartay hay’adaha caalamiga inay xafisyadooda usoo wareejiyaan Soomaaliya, ayna meel ka baxsan dalka lagu qaban karin shirarka hay’adaha dowladda.