5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2024
Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay howlgal lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-shabaab
 

Arbaco, April, 24, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamka ay howlgal ku dileen in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Carfuuda oo qiyaas ahaan magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug uga beegan dhanka Waqooyo 20 KM.

Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay beegsadeen labo xarumood oo kala ahaa goob kooxdu kasoo abaabuli jirtay weerarada ay ka geystaan gobolka Mudug iyo goob kale oo ay ku diyaarin jireen qaraxyada.

Howlgaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mid la mid ah ciidanka dowladda iyo kuwa saaxiibada Caalamka ay Xalay ka fuliyeen deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhaxe, kaasoo lagu beegsaday guri ay ku shirayeen masuuliyiin ka tirsan kooxda Al-shabaab, hayeeshee dowladda wali ma shaacin khasaaraha howlgalkaas kasoo gaaray kooxda.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-