5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 24, 2024
Qaramada Midoobay oo 3 milyan oo dollar ugu deeqday Soomaaliya si ay ula dagaallamaan fatahaadaha la filayo
 

Arbaco, April, 24, 2024 (HOL) - Sanduuqa gargaarka bini'aadantinimo ee Soomaaliya ee ay taageeraan deeq-bixiyayaasha caalamiga ah (SHF), oo loogu talagalay in wax looga qabto baahiyaha ugu daran ee dalka ka jira, ayaa u qoondeeyay 3 milyan oo Doollarka Mareykanka ah si wax looga qabto fatahaadaha la filayo.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee UN-ka ayaa sheegay in lacagahan ay hoos u dhigi doonaan saameynta bini’aadantinimo ee fatahaadaha la saadaaliyay ay ku yeelan karaan bulshooyinka meelaha fog fog iyo meelaha ay adag tahay in la gaaro ee Jamaame, Luuq, iyo Afgooye. .

Talaabadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo tan iyo 19-kii April ay Soomaaliya ka da’ayeen roobab xooggan oo sababay fatahaado. fatahaadaha ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Sida laga soo xigtay OCHA, afar qof ayaa ku dhintay, kuwaas oo saddex ka mid ah ay ku dhinteen degaanada Somaliland, halka mid ka mid ah uu ku geeriyooday  degaanada Hirshabeelle.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa 804 qof ay ku barakaceen daadadka ka dhashay roobabka.