4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2024
Ku dhawaad 10 ruux oo ku geeriyootay dagaal beeleed ka socda xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
 

Khamiis, April, 18, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed khasaare badan geystay oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ku yaala xadka ay wadaagaan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalka u dhaxeya labada Maleeshiyo beeleed oo kala ah Xawaadle iyo Abgaal ayaa intiisa badan ahaa mid maleeshiyaadka si ku dhufo ka dhaqaaq ah isugu weerarayeen.

Lix ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen dagaal beeleedka u dhaxeeya labadaan maleeshiyo, kaasoo ka dhacay 48 saacadood ee lasoo dhaafay deegaano u dhaxeeya magaalooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal ee gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Maamulka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay dagaalka u dhaxeeya labadaan beelood iney ka dambeyso kooxda Al-shabaab.

Maleeshiyo beeleedyadan ayaa horey dhowr jeer oo kala duwan ugu dagaalamay xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, gaar ahaan deegaanada u dhaxeeya magaalooyinka ah Jalalaqsi, Moqokori, Mahadaay iyo Aadan Yabaal oo dhamaantood ka kala tirsan  gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.