5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2024
Midowga Yurub oo ansixiyay $116.9m si kor loogu qaado ammaanka Soomaaliya
 

Khamiis, April, 18, 2024 (HOL) - Midowga Yurub ayaa ansixiyay $74.4 milyan oo dollar oo loogu talo galay qarashka ku baxaya wareejinta mas'uuliyadda amniga ee ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhammaadka sanadkan 2024.

Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa sheegay inuu $42.5 milyan ku taageeri doono ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, si ay awood ugu yeeshaan la wareegidda masuuliyadda amni ee dalkooda.

Sannadkii 2023-kii, howgalka ATMIS ayaa bilaabay inuu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya, iyadoo loo hoggaansamayo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee soo baxay 2023.

ATMIS ayaa soo gebagebeysay wejigii koowaad iyo labaad ee dhimista ciidamo gaaraya 5,000 oo askari, waxaana ay 13 saldhig oo ciidan ku wareejisay ciidamada nabad sugidda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, 4,000 oo askari oo dheeraad ah oo katirsan ciidamada ATMIS, ayaa la filayaa in laga saaro Soomaaliya dhamaadka bisha June.

Midowga Yurub ayaa ah taageeraha dhaqaale ee ugu weyn ee howgalka ATMIS, isagoo bixiyay ku dhawaad 2.87 bilyan oo doolar tan iyo 2007.