4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2024
Galmudug oo sheegtay in kooxda Al-shabaab gabaabsi ku tahay deegaanadeeda
 

Arbaco, April, 17, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta maamulka Galmudug Abshir Cabdi Shiiqow ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay haatan gabaabsi ku yihiin deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiir Shiiqoow ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu juhdi badan ku bixiyay sidii deegaanada maamulka looga xureyn lahaa maleeshiyaadka Al-shabaab ee mudo ka badan 10 sano dhibaatada ku haayay shacabka ku nool Galmudug.

"Kooxda Khawaariijta hada waa laga saaray inta badan deegaanada dowlada Galmudug, kadib markii shacabka ay si weyn u fahmeen dhibaatada argagixisada, saldhigyo waa weyn oo loogu hagaagi karo hada kuma laha kooxda deegaanada Galmudug" ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Maamulkaas Abshir Cabdi Shiiqoow.

Wasiir Shiiqoow ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay sababahii dhawaan ciidamada uga soo baxeen deegaanada hoostaga Xarardheere.

"Ciidamada waxay usoo baneyeen dhawaan deegaanada hoostaga Xarardheere xeelad farsamo oo cadawga lala rabo dib ayayna u qabsan doonaan deegaanadaas, waayo wax tabar ah maleh khawaarijta waa in yar oo arbushaad lee sameyn karta, waana la soo afjari doona" ayuu yiri Wasiir Shiiqoow.

Si kastaba ha ahaatee deegaanada maamulka Galmudug waxaa mudo sanad ka badan ka socda howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, waxaana xusid mudan in madaxweynaha Soomaaliya uu tiro dhowr jeer ah u tagay deegaano ka tirsan Galmudug dardar galinta dagaalka ka dhanka kooxda.