4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 17, 2024
Faahfaahino dheeraad ah oo kasoo baxaya laba qof oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Arbaco, April, 17, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya laba qof oo shacab ahaa oo lagu dilay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu rasaas ku furay nin ku hubeysnaa qori Ak47 ah.

Labada nin ee toogashada lagu dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdinuur Sandheere oo loo yaqaano Cabdi Geedow iyo Cabdullaahi Cismaan Shidane.

Dilka ragaan ayaa la sheegay inuu ka dhashay murun la xariira dhul dhaxaltooyo ah oo kala dhaxeeyay ninka wax dilay, sida uu warbaahinta u xaqiijiyeen guddoomiye ku xigeenka amniga maamulka degmada Deyniile.

“Wuxuu dilka ka dhashay muranka dhul dhaxaltooyo ah oo maalmahanba taagnaa nin ka tirsan dhaxaltooyada oo hub haystay ninkaas ayaa waxa uu sameeyay fal argagax leh, wuxuuna dilay laba qof oo shacab ah, waana ku daba jirnaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Deyniile.

Ninka geystaan dilka labada qof ee shacabka ah ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta uu ku dilay marxuumiinta ay dhaxal wadaaga ahayeen, waxaana haatan baadi goobaya eedeysanaha laamaha amaanka.

Muqdisho waxaa sanadkaan gudahiisa ka dhacay oo waliba kusoo badanaayay dilalka naxdinta leh oo ay isku geysanayaan dad isku qoys ah, taasoo aanan horay loogu dhex arki jirin dadka Soomaaliyeed.