4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2023
Alshabaab oo sheegay inay dagaal kula wareegeen saldhigii ciidanka ATMIS ee Buulomareer

Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in la wareegeen saldhigii ciidamada ATMIS ay ku lahaayeem degmada Buulomareer ee gobolka Shabeelada hoose.

Bayaan kasoo baxay ururka Alshabaab ayaa lagu sheegay in kooxda Alshabaab ay dhowr jiho kasoo weerareen Buulomareer ayna u suurto inay dagaal kula wareegaan saldhigga ciidamada ATMIS.

Bayaanka Alshabaab ayaa lagu sheegay in  weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 137 askari, kaddib markii weeraro ku billowday qaraxyo ismiidaamin ah lagu qaaday saldhigga ATMIS.

Dhinaca kale, taliska ciiidanka ATMIS ayaa war kooban kasoo saaray weerarkan, iyagoo xaqiijiyay in la weeraray saldhigoodii degmada Buulomareer.

“Saaka Ciidamada ATMIS ee kusugan Buulo-Mareer ayey soo weerareen Al-Shabaab. Ciidamada ATMIS ayaa Hada qiimeynayo Xaalada Amniga. Warbixintoo faahfaahsan ayaan dhawaan idinla wadaagi doonaan.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ATMIS.

Sanad kahor ayay ahayd markii Alshabaab ay wareerareen mid kamid ah saldhigyada ciidanka ATMIS.

Saddexdii bishii may ee sanadkii 2022, Alshabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhiggii ciidanka Burundi ee degaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellada dhexe.