3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2023
Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay bixinta taageerada miisaaniyadeed ee Midowga Yurub

Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay taageero maaliyadeed oo uu Midowga Yurub ku caawinayo dowladda Federaalka ah, taageeradaas oo ah kabis miisaaniyadeed.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayuu ku sheegay in bixinta Miisaaniyadda Midowga Yurub ay tahay mid ku soo beegantay waqtigeedii.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtan loo adeegsan doono qaab hufan si loo gaaro hadafkii loogu talagalay.

Dhankiisa, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in bixinta lacagtan ay sii xoojin doonto dib-u-habaynta iyo mudnaanta siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in uu ansixiyay lacag dhan 20.5 milyan oo Yuuro oo taageero miisaaniyadeed ah oo la siinayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Tinna Intelman ayaa sheegtay in Soomaaliya ay dhawaan gaari doonto marxalad taariikhi ah, taasoo keeni doonta fursado cusub.

Midowga Yurub ayaa tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxay tiir adag u ahayd dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.












Click here
5/26/2023 10:40 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Taliska ciidanka midowga Afrika ee ATMIS ayaa war saxaafadeed kasoo saaray weerarkii Alshabaab ay saakay waaberigii ku qaadeen saldhiggooda ku yaallay Buulo Mareer oo 120-km Koonfur-galbeed ka xigta Muqdisho.

5/26/2023 5:27 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in la wareegeen saldhigii ciidamada ATMIS ay ku lahaayeem degmada Buulomareer ee gobolka Shabeelada hoose.

5/26/2023 2:12 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Midowga Yurub (EU) ayaa ansixiyay lacag dhan 20.5 milyan oo Yuuro oo taageero miisaaniyadeed ah oo la siinayo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS).

5/26/2023 2:05 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay heshay lacag dhan 2.4 bilyan oo dollar si loogu maalgeliyo hawlgallada gargaarka ee ilaa 32 milyan oo qof oo ku kala nool Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

5/26/2023 2:00 AM EST
Jimco, May 26, 2023 (HOL) - Tirinta codadka doorashada dowladaha hoose ee Puntland ayaa meel gabagabo ah maraysa, iyadoo ururada qaarkood aad isugu dhow yihiin codadka.