4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 22, 2023
Beesha caalamka oo bogaadisay nidaamka dimuqraadiyadda Puntland
 

Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Beesha caalamka ayaa Puntland ku bogaadisay sida ay uga go'antahay inay ka mirodhaliyaan ballanqaadkooda ku aadan hirgalinta nidaamka dimoqraadiyadda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri," Saaxiibdu waxay qireen dadaallada, sida gaarka ah uu bixiyay Guddiga Ku-Meel-Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), si looga gudbo caqabadaha waaweyn ee horyaalla u diyaargarowga dhacdadan doorashada tooska ah.

Beesha caalamka waxay ku dhiirri gelisay dhammaan daneeyayaasha inay gacan ka geystaan xaqiijinta ​​sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon, iyo in wax laga qabto khilaafaadka imaan kara iyadoo loo marayo wadahadal iyo hannaanka sharciga.

Waxay sheegeen inay rumeysan yihiin khibradda ay Puntland u leedahay doorashooyinka tooska ah in ay wax bari karto oo ay dhiirigelin karto fidinta dimoqraadiyadda Soomaaliya oo dhan.

Ugu dambayn, beesha caalamka waxay hoosta ka xarriiqeen inay weli ka go’an tahay oo ay  taageeraan hannaanka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.