4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 21, 2023
Dowladda Soomaaliya oo doonaysa in Isimada SSC yimaadaan magaalada Muqdisho
 

Axad, May, 21, 2023 (HOL) - Dowladda federalka Soomaaliya ayaa sida aan xogta ku helayno waxay casuumaad u fidisay Isimada SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood, si ay u yimaadaan magaalada Muqdisho.

Sida aan xogaha ku helayno, Dowladda Soomaaliya waxay qorsheynaysaa inay Muqdisho shir gaar ah kula yeelato Isimada SSC, si looga wada hadlo xaaladda magaalada Laascaanood, xilli Dowladda federalka lagu dhaliilayo in aysan kaalin muuqata ka qaadanin wax ka qabashada dhibaatada Laascaanood.

Wasiirka isgaarsiinta dowladda federalka Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif, oo ku sugan magaalada Laascaanood, ahna wasiirkii ugu horreeyay ee Dowladda Soomaaliya matalaya ee taga hallkaas, ayaa lagusoo waramayaa inuu Isimada u gudbiyay casuumaada Dowladda Soomaaliya.

Lama oga in Isimada SSC ay aqbaleen casuumaada Dowladda Soomaaliya, iyadoo aan ognahay in horeyba Isimadu ugu kala aragti duwanaayeen inay tagaan Muqdisho, kadib dhowr baaqyo dhowr ah oo dowladdu horey ugu dirtay, si ay ugala hadasho colaadda Laascaanood.

Wasiirka isgaarsiinta mar uu shalay kormeerayay goobaha ay saamayeen madaafiicda lagu garaacay Laascaanood, ayaa Somaliland ugu baaqay  inay joojiyaan sida uu sheegay xasuuqa ay ku hayaan shacabka Laascaanood, isagoo sheegay dhibaatada ay geysteen inay meel kaste kusoo arkeen.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka ayaa dib ugu laabanaya magaalada Muqdisho, isagoo golaha wasiiradda ee xukuumadda Soomaaliya horgayndoona warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda ka jirta Laascaanood.