3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 20, 2023
IMF oo soo gabagabeysay dib u eegistii shanaad ee barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya

Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Guddiga Sare ee Hey'adda IMF oo soo saaray warbixintaan ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyay dib u eegistii 5aad ee uu ku sameeyay hannaanka la socodka sharuudaha Deyn cafinta Soomaaliya.

Warbixinta Hey'adda IMF ayaa lagu boogadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay ugu go'an tahay dadaalada lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, xoojinta wadashaqeynta kala dhexeysa Deeq-bixiyeyaasha calaamiga ah iyo Hey'addaha kale ee Deymaha waa wayn ku leh Soomaaliya.

Warbixinta IMF ay soo saartay ayaa lagu xusay in loo baahan yahay in lalabo jibaaro daadalada lagu dardargelinayo kordhinta Dakhliga gudaha si mudnaan loo siiyo beeqaaminta karashbixinta iyadoo la yareynayo bixinta kharashaadka aan daruuriga ahayn. Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo, Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka horumar laga sameeyay, hannaanka mideynta mushaar bixinta.

Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey'adda IMF.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in warka ka soo baxay IMF uu yahay mid wanaagsan oo ku dhiirigalinayo in Dowladdu ay sii xoojiso arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta.

" Warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee IMF waa war wanaagsan. Arrimaha dib-u-habeyntu waxa ku socdaan waddadii saxd ahayd, waxaana naga go'an inaan aragno guulo badan inkastoo oo ay jiraan caqabado". Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu ammaanay in ay xoojisay Maamul wanaagga iyo hufnaanta iyadoo horumar laga sameeyay hannaanka Iibka Qandaraasyada Qaranka iyo heshiisyada ay Dowladdu gasho.












Click here
5/20/2023 11:22 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta markale dekada magaalada Muqdisho ku qabtay agab iyo saanad ciidan oo la sheegay in loo waday kooxda Al-shabaab.

5/20/2023 11:11 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Hay'adda Xasaradaha Adduunka ee International Crisis Group, ayaa dhinacyada Laascaanood ku dagaalamaya ugu baaqday in ay wadahadlaan.

5/20/2023 10:07 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqan gelinayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.

5/20/2023 9:39 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare badan geystay oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay duuleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

5/20/2023 5:45 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Daahir Maxamed Cali ( Daahir Baasto ) oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Ururka ONLF ayaa is casilay, kaddib markii uu Daahir baasto ku eedeeyay hoggaanka ONLF inuu ururka ka leexiyay wadadii loo aasaasay oo ahayd inay ka tarjumaan baahiyaha Shacabka dowlad degaanka Soomaalida.

5/20/2023 3:41 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay koox yar kasoo horjeedaan doorashooyinka dimuqraadiyadda, isagoo kooxdaas ku tilmaamay kuwo riyoonaya.

5/20/2023 3:09 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madasha siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa sheegay in aysan ka warqabin ama aysan diidin wadahadallo looga hadlayo muranka doorashada Puntland.

5/20/2023 2:50 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan kula qaatay halkaasi dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan.