4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 2 , 2023
Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn oo ka hadlay burburka dagaalka kasoo gaadhay isbitaalka Laascaanoood

Khamiis, March, 2, 2023 (HOL) - Ururka Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF, ayaa sheegay in madaafiic ku dhacday isbitaalka Laascaanood awgeed, anay shaqaynayn qaybihii caruurta iyo kaydkii dhiiga.

"Isbitaalka aanu taageerno ee Laascaanood, ayaa la toogtay xili uu socday dagaal aan laysku meeldayayn, waana markii saddexaad muddo 3 todobbaad ah, imika qaybo kamid ah dhismaha ayay dhibaato soo gaadhay, iyadoo sababtay in qaybihii caruurta iyo kayd kii dhiigu ay shaqada joojiyaan".

Warbixintu waxay sheegtay in dad badan oo dagaalka lagu soo dhaawacay maalin kastaba lasoo gaadhsiinayo isbitaalka, lakiin aanu jirin dhiig ku filan, oo dadka dhaawaca ah, lagu shubo, madaama oo qaybta dhiiga uu burbur badani soo gaadhay.

MSF waxay sheegtay in ay taageero caafimaad siinayaan dhamaan dhinacyada dagaalku ka dhexeeyo, isla markaana ay rabaan in ay gaadhaan cidkasta oo ay dhibaatadu saamaysay, lakiin loo bahanyahay in la helo goob amaana oo shaqaala caafimadku ku shaqayn karaan.

Garaadada gacanta ku haya maamulka magaalada Laascaanood, ayaa khasaaraha isbitaalka soo gaadhay ku eedeeyay ciidamada Somaliland oo ay sheegeen in ay madaafiic la beegsadeen, iyadoo Somaliland-na dhankeeda beenisay.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]