6/2/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2023
Garaadada Laascaanood ku sugan oo Somaliland ku eedeeyay in ay dishay maxabiis ay qabatay

Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Afhayeenka Guddida 33-ka ee Laascaanood ku sugan, ayaa ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay laayeen maxabiis ay ka qabteen xoogaga dagaalka kula jira.

Afhayeen Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug oo waraysi siiyay Gaylan Media, ayaa ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay dileen maxabiis ay saaka ku qabteen dagaalka, isaga oo dhankooda sheegay in ay qabteen maxabiis.

"Maxaabiistu waa jirta baraha bulshadana waanu lasoo wadaagi doonaa, ragii waxay qabteen oo ay meesha kasoo daynayeen in ay badan koodii laayeena waa la haya" ayuu Gaylan Media u sheegay Caaqil Falaalug.

Dhanka kale, Somaliland ayuu ku eedeeyay in ay dagaalka bilowday "3 dii iyo daqiiqado ayay dagaalka soo bilaabeen waana la ogaa maalmahan, dhaqdhaqaaqooda waa loo jeeday sida ay isku urursanayaan iyo meelaha ay isku soo beegayaan".

Ciidamada Somaliland ayuu ku eedeeyay in ay usoo guureeyeen magaalada isla markaana ay dagaalka ka bilaabeen meel magaalada u dhow, waxaanu sheegay in dagaalku uu ka dhacay dhamaan jihooyinka magaalada marka dhinaca koonfureed laga reebo.

Waxa kale oo uu sheegay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawaca, lakiin aanay tiro koobka sax ah hayn, wuxuuna sheegay in maydka iyo dhaawacu uu yaalo ilaa 5 meelood oo magaalada ah, isla markaana ay gacanta ku hayaan tiradooda.

Waxa uu sheegay in ay wadahadal diyaar u yihiin lakiin aanu suuragal ahayn inta ciidamada Somaliland ay duljoogaan magaalada, oo ay madaafiic ku garaacayaan sida uu hadalka u dhigay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/18/2023 3:52 PM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caawa magaalada Kambaala ee dalka Uganda.

3/18/2023 9:44 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Alle ha u naxariistee waxa magaalada Boorama ku geeriyootay fannaanadii codka halaasiga ah lahayd ee Aamina Cabdillaahi Xirsi.

3/18/2023 6:23 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Allaha ha u naxariistee, waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo katirsanaa barlamaanka Soomaaliya, sida u shaaciyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

3/18/2023 6:17 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay dagaalka saaka ka dhacay duleedka Laascaanood ku qabatay 20 maxbuus, 2 baabuur, 15 qori oo kuwa culus ah iyo hub fudud oo tiro badan.

3/18/2023 2:52 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Lamu ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax miino oo geystay khasaare dhmasho iyo dhaawac leh lagula eegtay duuleedka magaaladaasi gaari ay leeyihiin ciidamada dalka Kenya.

3/18/2023 2:01 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ayaa saakay ka billowday dhowr jiho oo magaalada Laascaanood ah.

3/18/2023 1:49 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in kooxo ay ku tilmaantay huwan, oo ay sheegtay in argagixiso kamid tahay isla markaana ay Puntland hogaaminayso ay weerar muddo la qorshaynayay kusoo qaadeen fadhiisimada millatariga ee aaga Laascaanood.