4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2023
Fannaadii waynayd ee Aamina Cabdillaahi Xirsi oo geeriyootay
 

Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Alle ha u naxariistee waxa magaalada Boorama ku geeriyootay fannaanadii codka halaasiga ah lahayd ee Aamina Cabdillaahi Xirsi.

Aamin Cabdillaahi oo 30 kii sanno ee ugu danbeeyay ku noolayd magaalada Borama ayaa kamid ahayd fannaaniintii loogu jeclaa waayihii uu fanka Soomaalidu cirka marayay, iyadoo qaaday heeso aan waligood gaboobin oo abid lagu xasuusan doono.

Aamina oo fanka kusoo biirtii badhtamihii lixdamaadkii ayaa heesaheeda caan ka ah waxa kamid ah Sabaalo, Waligeed adduunyada wakhtiga qof saacida nina waayaha dhiba iyo heeso kale, iyadoo la heestay fannaaniin ay ugu caansanyihiin Axmed Gacayte Yusuf, Cabdinaasir Macalin Caydiid, Maxamed Axmed Kuluc iyo qaar kale.

Iyada oo da'ayar ayay fanka ka bilowday Radio Hargaysa, iyada oo markii danbena ku biirtay hoboladii Waabari, iyadoo wax ka jishay riwaayado ay ugu caansanyihiin Beenay waa run, Dab jacayl kari waa, Galbeed waa la xoreeyay, Gaal iyo Muslin yaa idin leh gabdhow iyo Bidaari sibiq ayay kugu gashaa.

Aamina waxay nolosha la wadaagtay fanaaniinta kala ah Cabdi Aadan Xaad (Cabdi qays) iyo Cabdiraxmaan Cismaan Maxabbe (Cabdiraxmaan Dheere) oo isna dhawaan Borama ku geeriyooday, iyadoo u dhashay ubad ay kamid tahay fannaanada da'ada yar ee Hodan Cabdiraxmaan Dheere.

Xukuumada Somaliland iyo shacabka kale ee Soomaaliyeed ee fankeeda jeclaa ayaa ka tacsiyooday geerida ku timid Aamina Cabdillaahi Xirsi.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]