4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2023
Dagaal xooggan oo saakay ka qarxay magaalada Laascaanood

Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) -  Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ayaa saakay ka billowday dhowr jiho oo magaalada Laascaanood ah.

Dagaalkan oo aad u culus ayaa la sheegayaa inay qeyb ka yihiin duqaymo lagu garacaayo magaalada Laaacaanood. Waxaana ka dhashay khasaare dhimasho, dhaawac ah iyo burbur isugu jira.

Dagaalkaan ayaa kusoo beegmay ku dhawaad labo todobaad oo aanay jirin wax dagaal ah oo u dhaxeeya dhinacyada ku dagaalamayay magaalada Laascaanood ee caasimadda gobolka Sool.

Waxay kusoo beegmaysaa xilli xalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh uu soo dhoweeyay xabbad joojinta ka dhaqan gashay Laascaanood, isagoo ku bogaadiyay labada dhinac.

Dhinaca kale, afhayeenka SSC Cabdirisaaq Falaalug ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay masuul ka yihiin dagaalka maanta ka socda magaalada Laascaanood.

Afhayeenka SSC wuxuu sheegay inay Somaliland isku dayeen inay dhinaca bari kasoo galaan magaalada Laascaanood. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay inay masuul ka yihiin waxyeelada ka dhalatay dagaalada iyo duqaymaha socda.

Hadalka afhayeenka SSC ayaa kusoo aaday xilli Somaliland ay sheegtay in saakay dagaal lagusoo qaaday saldhigyadeeda kuyaala Laascaanood.