5/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 18, 2023
Somaliland oo ka hadashay Dagaal saaka subixii dib uga qarxay duleedka magaalada Laascaanood
 

Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) -  Somaliland ayaa sheegtay in kooxo ay ku tilmaantay huwan, oo ay sheegtay in argagixiso kamid tahay isla markaana ay Puntland hogaaminayso ay weerar muddo la qorshaynayay kusoo qaadeen fadhiisimada millatariga ee aaga Laascaanood.

Qoraal lagu baahiyay boga Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu sheegay in saaka subaxdii hore ay xoogaga ka dagaalamaya Laascaanood weerar ku qaadeen fadhiisimada ciidamada.

"Kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maamulka Puntland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah ee ku sugan Laascaanood ayaa saaka 4:30 subaxnimo weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinaca bariga magaalada Laascaanood".

Qoraalka waxa lagu sheegay in ciidanka millaterigu uu iska difaacay weerarka, isla markaana aanu ciidanku marnaba weerar ahayn, oo uu ilaalinayo xabad joojintii ay xukuumada Somaliland ku dhawaaqday.

Waxa kale, oo qoraalka lagu sheegay in masuuliyada weerarkan ay qaadayso Puntland, isla markaana uu ahaa weerar mudo dheer la qorshaynayay iyagoo xoogagu ay helayeen gurmadyo kala duwan.

Muddo 10 cisho ka badan ma dhicin iska hor imaad toos ah, waxaana socday dadaalo la doonayo in dhinacyada laysku soo hor fadhiisiyo, wadahadalkaas oo ay garaadadu shuruud uga dhigeen in ciidanka Somaliland uu gobolka ka baxo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
3/18/2023 3:52 PM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray caawa magaalada Kambaala ee dalka Uganda.

3/18/2023 3:34 PM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Afhayeenka Guddida 33-ka ee Laascaanood ku sugan, ayaa ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay laayeen maxabiis ay ka qabteen xoogaga dagaalka kula jira.

3/18/2023 9:44 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Alle ha u naxariistee waxa magaalada Boorama ku geeriyootay fannaanadii codka halaasiga ah lahayd ee Aamina Cabdillaahi Xirsi.

3/18/2023 6:23 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Allaha ha u naxariistee, waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo katirsanaa barlamaanka Soomaaliya, sida u shaaciyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

3/18/2023 6:17 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay dagaalka saaka ka dhacay duleedka Laascaanood ku qabatay 20 maxbuus, 2 baabuur, 15 qori oo kuwa culus ah iyo hub fudud oo tiro badan.

3/18/2023 2:52 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Lamu ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax miino oo geystay khasaare dhmasho iyo dhaawac leh lagula eegtay duuleedka magaaladaasi gaari ay leeyihiin ciidamada dalka Kenya.

3/18/2023 2:01 AM EST
Sabti, Maarso, 18, 2023 (HOL) - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC ayaa saakay ka billowday dhowr jiho oo magaalada Laascaanood ah.