3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 17, 2023
Faahfaahin : shirka wadatashiga qaran oo maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo
 

Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - Shirka golaha wadatashiga qaran ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa arrimaha ugu muhiimsan ee diirrada lagu saarayo waxay yihiin amniga, gaar ahaan wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Wasiirka warfaafinta Koobfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir Maxamed, ayaa BBC Somali u sheegay inay madaxdu ka wada tashanayaan habka loo wajahayo in Shabaab laga xoreeyo degaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Xasan Cabdulkaadir Maxamed oo wax laga weydiiyay maqnaanshaha Puntland ee shirka, ayaa sheegay inay Puntland shirka wadatashiga uga maqan tahay arrimo farsamo iyo daruufo u gaar ah.

Wuxuu sheegay waxa shirka kasoo baxa in aysan noqon doonin wax Puntland dhibaato ku ah, isagoo sheegay in madaxdu iska warqabaan oo uusan jirin wax weyn oo lagu kala fog yahay.

“Run ahaantii mararka qaarkii waa iska dhici kartaa in maamul maqan yahay, daruufo gaar ahi haysto. Marka madaxdu waa iska waraqabaan. Way wada xiriiraan. Waxaan is leeyahay wax isla ogyahay oo madaxtooyada iyo maamul goboleedyada isla ogyihiin baa soo bixidoona.” ayuu yiri wasiirku.

Puntland ayaa horey u sheegtay in aysan ka qeyb galidoonin shirarka wadatashiga qaran, iyadoo sheegtay in ay si madax bannaan dowladda federalka ugala xaajoon doonto arrimaheeda u gaarka ah.












Click here
3/17/2023 4:03 PM EST
Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - War murtiyeed ayaa lagasoo saaray shirka golaha wadatashiga qaran ee Dowladda federalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

3/17/2023 9:29 AM EST
Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - Eng Yarow Shariif Aadan oo ah gudoomiyihii golaha dhaqanka iyo Siyaasada ee reer Goleedka (Somali Bantu ama Wogasha), ayaa ku geeriyooday magaalada Cardiff ee UK.

3/17/2023 9:23 AM EST
Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - Madaxweyne William Ruto ayaa bogaadiyay horumarka ay bulshada Bariga Afrika ku tallaabsatay tan iyo markii la aasaasay ku dhawaad 25 sano ka hor.

3/17/2023 3:47 AM EST
Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - Ururka Saxafiyiinta (SJS), Ururka Warbaahinta (SOMA) iyo ururka Badbaadada Suxufiyiinta, (SMSJ) ayaa ka dhiidhiyay xariga sharci darrada ah ee lagu hayo Xoghayaha Guud ee SJS Cabdalle Axmed Muumin, waxayna ku baaqeen in si shuruud la’aan ah loo sii daayo.

3/17/2023 3:08 AM EST
Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen Odawa Yuusuf Raage ayaa booqasho rasmi ah ku joogo Dalka Kenya.

3/17/2023 1:51 AM EST
Jimco, Maarso, 17, 2023 (HOL) - Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa xoojinaya xiriirka labada dal ee dhinacyada kala duwan ee iskaashiga, sida uu sheegay xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya Maxamed Cumar Yariisow.