4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2023
Dowladda Soomaaliya oo xukun dil ah ku fulisay saraakiil ciidan iyo dhaqtar been abuur ah oo katirsanaa Alshabaab

Arbaco, Maarso, 15, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay saddex nin oo katirsanaa Alshabaab.

Saddexda nin ee la toogtay ayaa lagu kala magacaabaa.

1-Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow).

2-Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego).

3- Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhaqtar Fanax).

Sida ay maxkamaddu sheegtay saddexdan nin waxay kala ahaayeen labo sarkaal oo hay'adaha amniga ee dowladda katisanaa, balse u xuubsiibtay Alshabaab iyo mid ku shaqeysanayay darajada sarkaal iyo dhaqtar been abuur ah.

Raggaan ayaa masuul ka ahaa qaraxyo waawayn oo dad badani ku dhinteen oo badi Muqdisho ka dhacay iyo dilal qorshaysan oo loo geystay rad rayid ah iyo masuuliyiin dowladeed.

Hay'adaha amniga ee dowladda ayaa ku guulaystay inay raggaan soo qabtaan, iyagoo ku shaqeysanayay magaca ciidanka, Shabaabna u fududeeyay weerraro badan oo khasaare geystay.

Dowladda ayaa u muuqata inay xukunkooda dadajisay todobaadyo kadib markii xukun dil ah lagu riday, lanasoo bandhigtay macluumaadkooda iyo dambiyada ay geysteen.