4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2023
Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in loo bahanyahay in doorashooyin deg deg ah la galo

Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in loo bahanyahay in wakhti xaadirkan lasoo doorto madaxweyne, iyo xisbiyo cusub.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in anay suuragal ahayn in doorasho la'aan lagu sii jiro, waxuuna tilmaamay in sharcigu sheegayo in 5 tii sannoba hal mar la dooro madaxweyne, inkasta oo dhawaan 2 sanno loo kordhiyay isaga.

"Dalkan hadaanu doorasho galin oo aan la dooranin madaxda, ama madaxweynaha soo socda iyo cidii kale ee doorashadeedu taagantahayba dee socon maayo, distoor keena ayaa dhigaya in 5 tii sannoba mar la cusboonaysiiyo" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in uu guddida doorashooyinka uu uga fadhiyo in ay miiska soo saaraan wadadii doorashada loo mari lahaa iyo wakhtigii la qaban lahaa, waxaanu sheegay in qasab ay tahay in doorasho la galo wakhtigan.

Waxa uu sheegay in lagu jiro wakhti saddexdii xisbi wakhtigoodii dhacay, oo anay doorasho gali karin ilaa oo dib loo doorto, isla markaana ay taaganyihiin 10 urur oo diyaar u ah in ay usoo baxaan xisbiyo rasmi ah.

Doorashada madaxtooyada ayaa dib u dhacday kadib khilaaf daba dheeraaday oo u dhexeeya madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaradka, khilaafkaas oo aan wali xal buuxa laga gaadhin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]