4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2023
Garaad Jaamac: Reer Sheekh Isaxaqow Ingiriis idinma dhalin, dhaxalkiisa sabab aad u yeelataana ma jirto

Talaado, Maarso, 14, 2023 (HOL) - Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in aanu aqoonsanayn xuduudii Ingiriiska ee Somaliland oo ay Somaliland ku doodo in ay tahay xuduud sharci ah Afrika ku dhisantahay.

Garaadku waxa uu sheegay in hadii ciidamada Somaliland ka bixi waayaan deegaanada uu garaadka ka yahay, ay sababi karto dhibaato daba dheeraata, isaga oo sheegay in Ingiriisku aanu go'aamin karin meesha xuduudu noqonayso.

"Arrintani intii ay riiq dheeran lahayd ee ay dhul kale gaadhi lahayd miyirka ha lagu soo celiyo, oo hala yidhaahdo reer Sheekh Isaxaaqow guryihiina ku noqda, guri nin kale Ingiriis idinma siin karo, Ingiriis idinma dhalin, maydaan dhalin, dhaxal kiisa sabab aad ku yeelataan ma jirto" ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali.

Garaadku waxa kale oo uu kasoo horjeedsaday dalabka Somaliland ee ah in xoogaga hubaysan ee Somaliland kasoo horjeeda laga saaro magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in dadka dagaalamayaa dadkii deegaanka yihiin, isla markaana aan la saari karin.

Dhanka kale, ciidamada Somaliland ayuu ugu baaqay in ay ka baxaan deegaanada uu garaadka ka yahay, isaga oo sheegay in hadii loo baahdo uu qoriga qaadan doono, hadii Somaliland ay diido in ay ciiidankeeda kasaarto deegaanadaas.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegta in dhulka Somaliland yahay dhulkii uu maamuli jiray gumaystihii Ingiriisku, dhulkaasi oo 1960 noqday dowlad madaxbannaan, lakiin muddo yar ka dib la midoobay Soomaaliyadii Talyaaniga ka xorowday.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]