4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 13, 2023
Puntland oo amartay in masaajidda kuyaala Gaalkacyo lagu xiro kaamirooyinka. loona sameeyo ilaalo gaar ah

Isniin, Maarso, 13, 2023 (HOL) - Guddiga amniga gobolka Mudug ee Puntland ayaa amray in masaajidda kuyaalla magaalada Gaalkacyo lagu xiro kaamirooyinka qarsoon ee ka qeyb qaata sugida amniga.

Guddiga amniga ayaa sheegay in masaajidda ay noqdeen meelaha ugu badan ee dadka lagu bartilmaameesado, halkaas oo dilkii ugu dambeeyay labo habeen ka hor loogu geystay mid kamid ahaa nabadoonada Gaalkacyo.

Guddiga gobolka Mudug ayaa maamulaayasha masaajidda faray inay todobaad gudihiis madaajiddooda ku xirtaan kaameradaha qarsoon.

Waxay kaloo amreen in masaajidda loo sameeyo ilaalo u gaar ah iyo in layrar iftiin badan lagu xiro.

Xilliyada salaadaha maqribka, cishaha iyo salaadda subax ayaa ah waqtiyada ugu badan ee la ugaarsado dadka, waana marka ay kasoo baxaan salaadda.

Dadka la beegsado ayaa ugu badan dadka u shaqeeya maamulka Puntland iyo dadka nabadoonada ah ee ka shaqeeya arrimaha amniga.