4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 13, 2023
Golaha Aqalka Sare oo Maanta ansixiyay Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka
 

Isniin, Maarso, 13, 2023 (HOL) - Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo uu shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka koowaad Cali Shacbaan Ibraahin ayaa Maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xubnaha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka dalka.

Xubnaha gudigan ay Maanta ansixiyeen Golaha Aqalka Sare oo ka kooban 5 xubnood oo kala ah Maxamed Xasan Idiris, Farxiya Muumin Cali, Burhaan Aadan Cumar, Axmed Maxamuud Jaamac iyo Maxamed Cabdalla Saalax ayaa 11-kii bishaan waxaa horay u soo ansixiyay Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Guddigan waxaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya horgeeyay Wasaaradda Caddaalada iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.

Ansixinta guddigaan ee Golaha Aqalka Sare waxaa ogolaatay 30 Senatar mana jirin Senatar diiday ama ka aamusay codeynta xubnaha guddigaan madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka.

Ansixinta guddigaan madaxa banaan ee dib u eegista Dastuurka ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo horay dhowr hindise sharciyeed  u soo ansixyeen labada Gole ee Barlamaanka Soomaaliya, islamarkaana kuwa kale ay horyaalaan ansixintooda.