4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 13, 2023
Dab ka kacay goob uu ku sugnaa madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaare ku xigeenka dalka

Isniin, Maarso, 13, 2023 (HOL) - Goob uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uga qeyb galayay shirweynaha waxbarashada Soomaaliya, ayaa si kedis ah waxaa halmar uga kacay dab ka dhashay fiilooyinka korontada.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaare ku xigeenka dalka, ayaa si deg deg ah uga baxay goobta uu dabka ka kacay oo tallaabooyin u jirtay halka ay fadhiyeen.

Goobta uu dabku ka kacay ayay ahaye hool kuyaala garoonka diyaaradaha ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ka socday shir ballaaran oo looga hadlayay horumarka waxbarashada iyo caqabadaha.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir ayaa ku tilmaamay dabka kacay inuu qeyb ka yahay daruufta iyo aqoon xumada ka jirta dalka, isagoo sheegay in daruuftaas dalka uu ka gubdidoono.

Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkan. Lamana oga sababta dhalisay dabkaan.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu dab ka kacay isbitaalka Martiini, dabkaas oo geystay khasaare weyn oo sababay in qaar kamid ah bukaanada laga daabulo isbitaalka.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Banaadir, Cali Yare Cali ayaa ku eedeeyay shirkadaha adeegga korontada inay masuul ka yihiin dhibaatadan, isagoo sheegay inay mudan yihiin in lagula xisaabtamo.