4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 12, 2023
Doorashada kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta ka dhacday magaalada Baydhabo
 

Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu qabtay doorashada kursi ka mid ah kuraasta ka banaaneyd Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo tirsigiisu yahay HOP 176 oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Doorashada kursigaan HOP 176 oo ay Maanta doorashadiisa Baydhabo ku qabteen guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ku tartamay laba musharax oo kala ahaa Mukhtaar Maxamed Mursal iyo Khadiijo Samoow Cabdi.

Doorashada kursiga HOP 176 waxaa kusoo baxay Mukhtaar Maxamed Mursal oo hab gacan taag ah ugu codeeyeen dhamaan Ergada oo aheyd 101, kadib markii ay tanaasushay Khadiijo Samoow Cabdi.

Kursigaan uu Maanta kusoo baxay Mukhtaar Maxamed Mursal, waxaa horay ugu fadhiyay Aabahiis Allah u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed oo loo yaqiinay Booroow, kaasoo 20-kii bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.

Guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ayaa horay u qabtay doorashada kuraas ka banaaneyd Golaha Shacabka oo ay ka mid ahayeen kuraastii ay baneeyeen Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, Agaasimaha Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimahii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo horay loogu diiday kursiga HOP 086, kadib doorasho sanadkii hore uu kusoo baxay oo ka dhacday Baledweyne.