6/8/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 12, 2023
Madaxweynaha Puntland oo shaaciyay maalinta ay dhacayaan doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland
 

Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray maalinta ay dhacayaan doorashooyinka goleyaasha degaanka Puntland.

Madaxweyne Deni oo la tashanayay guddiga doorashooyinka Puntland, ayaa si rasmi ah  doorashada goleyaasha degaanka ugu asteeyay maalin Khamiis ah oo ku beegan 25-05-2023.

Doorashada uu madaxweynaha Puntland ku dhawaaqay ayaa ah doorashooyinka dowladaha hoose ee degmooyinka Puntland. waxaana laga qaban doonaa illaa 37 demo oo loo qorsheeyay.

Guddiga doorashada ayaa haatan wada diiwaan galinta codbixiyayaasha doorashooyinka.

Deni, ayaa haddii uu doorashadan ku guulaysto noqondoona madaxweynihii ugu horreeyay ee doorasho qof iyo cod ah ka taaba galiya Punland.

Inkastoo doorashada ugu muhiimsan ay tahay midda madaxtooyada iyo tan barlamaanka, kuwaas oo hadda u muuqda kuwa ku dhicidoona habkii beeluhu awoodda badan ku lahaayeen.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole ayaa horey ugu fashilmay inuu doorashadan qabto, iyadoo maalintii loo madlanaa in la qabto doorashada dowladaha hoose ay hareeyeen mucaarado hubaysan.

Lama oga in madaxweyne Deni oo hadda leh mucaarad xooggan oo ay horkacayaan saaxiibadiisii hore uu la kulmi karo cabaqad lamid ah kuwii fashiliyay maamulkii Faroole.












Click here
3/12/2023 10:16 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa sheegay in urur ay ku midoobeen dad hore madax Soomaaliya uga soo noqday, ay wadaan qorshe Somaliland lagu burburinayo, oo ay ka danbeeyaan kacdoonka Laascaanood.

3/12/2023 9:59 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu qabtay doorashada kursi ka mid ah kuraasta ka banaaneyd Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo tirsigiisu yahay HOP 176 oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

3/12/2023 9:03 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa uga digtay shirkadaha isgaarsiinta ee dalka in ay ka gudbaan meelaha loo cayimay si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta.

3/12/2023 7:47 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar Xaaji (Xamarje), ayaa sheegay in hadii doorashada madaxtooyada Somaliland ku qabsoomi waydo wakhtiga koomiishanku iclaamiyay ay Somaliland burburi doonto.

3/12/2023 1:48 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil Xalay magaalada Gaalkacyo kooxo hubeysan ugu geysteen Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad oo ka mid ahaa nabadooda caanka ka ah gobolka Mudug.

3/12/2023 1:24 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inay diiwaan galin doorasho ka sameynayso deegaano katiran kuwa Galmudug.