9/25/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 12, 2023
Faahfaahino kasoo baxaya Nabadoon caan ahaa oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo
 

Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil Xalay magaalada Gaalkacyo kooxo hubeysan ugu geysteen Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad oo ka mid ahaa nabadooda caanka ka ah gobolka Mudug.

Kooxda hubeysneyd ayaa Nabadoonka dishay xili uu kasoo baxay Masjidka Ramadaan ee magaalada Gaalkacyo oo uu kusoo Tukaday Salaadii Maqrib, kuwaas oo rasaasta kala dhacay qeybaha sare ee jirkiisa.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga maamulka Puntland ayaa dilka kadib gaaray goobta marxuumka lagu dilay, kuwaas oo ilaa saakay baaritaano ka wada xaafada Garsoor oo ah halka lagu dilay nabadoonka Cabdi Aadan Siyaad.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta gudaha waxay sheegeen iney wali ku raad joogaan dableyda geysatay dilka, hayeeshe Saraakiisha maysan bixin wax faahfaahin ah oo intaas ka badan.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa marar badan sidaan oo kale dilal qorsheysan loogu geystay Odayaal Nabadoono ahaa, Saraakiil ciidan iyo dad kale oo shacab ahaa, waxaana dilka nabadoonkaan uu imaanaya, iyadoo mudooyinkii dambe amaanka magaaladaasi uu soo hagaagayay.












Click here
3/12/2023 10:16 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa sheegay in urur ay ku midoobeen dad hore madax Soomaaliya uga soo noqday, ay wadaan qorshe Somaliland lagu burburinayo, oo ay ka danbeeyaan kacdoonka Laascaanood.

3/12/2023 9:59 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu qabtay doorashada kursi ka mid ah kuraasta ka banaaneyd Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo tirsigiisu yahay HOP 176 oo deegaan doorashadiisu tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

3/12/2023 9:03 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa uga digtay shirkadaha isgaarsiinta ee dalka in ay ka gudbaan meelaha loo cayimay si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta.

3/12/2023 7:47 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar Xaaji (Xamarje), ayaa sheegay in hadii doorashada madaxtooyada Somaliland ku qabsoomi waydo wakhtiga koomiishanku iclaamiyay ay Somaliland burburi doonto.

3/12/2023 4:27 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray maalinta ay dhacayaan doorashooyinka goleyaasha degaanka Puntland.

3/12/2023 1:24 AM EST
Axad, Maarso, 12, 2023 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inay diiwaan galin doorasho ka sameynayso deegaano katiran kuwa Galmudug.