4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2023
Dil argagax leh oo goordhaw ka dhacay degmada Wartanabada ee magaalada Muqdisho

Arbaco, Maarso, 1, 2023 (HOL) - Waxaa goordhaw oo Maanta ah ka dhacay degmada Wartanabada ee magaalada Muqdisho dil si aad ah looga argagaxay oo loo geystay nin magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Maxamed Cabdulle.

Dilkaan ayaa la sheegay inuu geystay nin ku hubeysnaa Tooreey ama Mindi aad  dheer, kaasoo qoorta iyo meelo kale kala dhacay Tooreyda marxuumka geeriyooday.

Ninka dilka geystay oo isku dayay inuu goobta ka baxsado ayaa waxaa gacanta ku dhigay dad shacab ah oo jirdil xoogan u geystay gacan ku dhiiglaha, hayeshee markii dambe ku wareejiyay ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo goobta gaaray.

Lama oga sababata ka dambeysa dilkan Maanta ka dhacay degmada Wartanabada ee magaalada Muqdisho, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in ninka dilka geystay uu yahay qof dhimirka looga jiro.

Dadka ku dhaqan aaga dilka uu ka dhacay ayaa si weyn u hadal hayo dhacdadaan aadka looga argagaxay, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka degmada Wartanabada oo ku aadan falkaan dilka ah.