4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2023
Millateriga Somaliland oo ka warbixiyay dagaalkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood
 

Arbaco, March, 1, 2023 (HOL) - Ciidanka Millateriga Somaliland ayaa sheegay in dagaalkii shalay dhexmaray xoogaga ay Sool ku dagaalamayaan, uu ciidanku jabiyayay hub iyo baabuurna ka qabsaday.

Afhayeenka Millateriga Sareeye Guuto Cabdi Cabdillaahi Xasan (Cabdi Dheere), ayaa sheegay in ay dagaalka kula jiraan kooxo iskugu jira Ciidamada Puntland, argagixiso, iyo qaybo kamid ah dadka deegaanka oo la qalday, wuxuuna sheegay in ay dagaalka ku guulaysteen.

"Dagaal kaasi dagaal qadhaadh ayuu ahaa oo aad u adkaa, shalay in badan ayuu socday, Ciidanka Qaranka J. Somaliland sidii caadada u ahayd guul ayuu ka gaadhay, laba baabuur oo tikniko ah wuu ka qabsaday" ayuu yidhi Cabdi Dheere.

Cabdidheere waxa uu sheegay in ciidankiisu anuu weerar ahayn oo uu marwalba difaac ku jiro, lakiin uu iska difaacayo cidii soo weerarta, "Hada iyo kadiba ciidanka qaranku indhuhu ku dhufanayaa cidii soo weerarta".

Waxa uu sheegay in bulshada reer Sool uu cadow marin habaabiyay, wuxuuna ugu baaqay in ay kasoo noqdaan cida marin habaabisay, isaga oo sheegay in ay markale aqbalaan in si nabada loo wada noolaado.

Inkasta oo millateriga Somaliland laga fogeeyay magaalada Laascaanood hadana taasi dagaalka ma joojin, oo dagaalo ayaa ka dhacay goobo ka durugsan magaalada maalmihii lasoo dhaafay, garaadada ayaa dhankooda sheeganaya in uu ciidanku soo weeraray.

Taliyaha guutada 12aad ee ciidanka Faysal Cabdi Bootaan, ayaa dhankiisa sheegay in ay Laascaanood xukunka Somaliland kusoo celin doonaan, isla markaana ay tagayaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]