4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 1 , 2023
Faysal Cali Waraabe oo sheegay in ay dagaalka Laascaanood ka wadaan xulufadii Siyaad Barre

Arbaco, Maarso, 1, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in qalalaasihii Laascaanood ay ka faa'iidaysteen kooxo la fikir ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Faysal waxa uu sheegay in isku dhicii Ciidamada Somaliland iyo dadkii ka mudaharaadayay dilalka soo noq noqday ee Laascaanood, uu isku badalay dagaal xaaraan ah, oo looga soo horjeedo jiritaanka Somaliland.

"Qalalaasihii ka dhashay arxan darradii Muuse Biixi ee ka dhan ka ahayd dadkii rayidka ahaa ee bannaan baxayey waxa ay isu beddeshey dagaal xaaraan ah oo looga soo horjeedo jiritaanka Somaliland oo ay wadaan xulufadii keligii taliyihii Siyaad-barre" ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa ku baaqay in reer Somaliland, ay u midoobeen sidii Somaliland looga bad baadin lahaa "Waa in aan u midownaa sidii Somaliland uga badbaadin lahayn wuxuush taas isa soo baahaystay."

Garaadada ku sugan magaalada Laascaanood iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa dhankooda sheegay in shacabka reer Sool oo kali ahi ay dagaalka Somaliland kula jiraan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]