4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 31, 2023
Mareykanka oo ku cadaadinaya dowladaha Khaliijka iyo Midowga Yurub inay sare u qaadaan kaalmada ay u fidiyaan Soomaaliya
 

Talaado, January, 31, 2023 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa ku cadaadinaysa maalqabeenada gacanka Carbeed, iyo sidoo kale Yurub, inay sare u qaadaan gargaarka bini'aadantinimo ee Soomaaliya ka hor inta aysan cunto yari noqonin macaluul.

Linda Thomas-Greenfield, safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ku eedeysay waddamada qaniga ah ee ah xulafada Mareykanka iyo kuwa kasoo horjeedaba in ay ka gaabiyeen waajibaadkii damiiriga ahaa ee ka saarnaa quudinta dadka Soomaaliyeed.

"Tani waa mas'uuliyad wadareed. Tani waxay ku saabsan tahay bini'aadantinimada. waa wax laga xumaado in la daawado qaar ka mid ah deeq-bixiyeyaasha oo jaraya miisaaniyadahooda arrimaha bani'aadamnimada,” ayay tiri.

Ms. Thomas-Greenfield waxay diiday inay si fagaare ah u magacowdo wadamada uu Maraykanku aaminsan yahay inay ku guuldaraysteen taageerada Soomaaliya.

Hase ahaatee, saraakiil kale oo Marakan ah ayaa si gaar ah u sheegay in ay ula jeedo Sacuudiga, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, iyo Midowga Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa geeska Afrika ugu deeqay $2.5 bilyan oo gargaar bini'aadantinimo tan iyo Oct. 1, 2021.

$1.3 bilyan oo ka mid ah lacagtaas waxaa loogu talagalay Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah. UNICEF, oo qaabilsan carruurta, ayaa ku ammaantay gargaarka Mareykanka inay badbaadiyeen 460,000 oo carruur Soomaaliyeed ah sannadkii hore.